U Sahami Adoon Rarin: Diiwaanka Suugaanta - Softcover

Axmed Abuubakar, Cali Sh.

 
9781918968026: U Sahami Adoon Rarin: Diiwaanka Suugaanta

Inhaltsangabe

Buuggan waxaa ku qoran in ka badan 90-shan maanso oo aan kala dhicin, wuxuuna ka kooban yahay afar cutub oo kala ah; Hogatuska Nolosha, Baraarugga, Waxbarashada iyo Hoggaaminta. Sida aynu wada ogsoonnahay, suugaantu waa halbowlaha afka iyo dhaqanka, saabka nolosha iyo seeska Sooyaalka ummadda Soomaaliyeed. Buuggani waa buug aan horay loo daabicin mid noociisa ah, maxaa yeelay way jiraan buugaa badan oo miisaan leh lagana qoray suugaanta iyo cilmiga kalaba balse, buuggani wuxuu kaga duwan yahay buugta kale; waa buug u diyaarsan hab casri ah oo ay suugaantiisu u qaybaysan tahay: afar cutub oo aas-aas u ah waaxyaha nolosheenna. Buug sidan oo kale loogu abla-ableeyay suugaan intaas la'eg oo ka hadlaysa afarta mowduuc ee buuggani u qaybsan yahay lama daabicin. Tusaale ahaan haddii aad maanta u baahato suugaan ka hadlaysa, Hogggaaminta, Waxbarashada, Baraarugga iyo Hogatuska Nolosha, waxaa la hubaa in aadan helayn buuggan hortii mid midaas uga hadlaya una mideeyay baahiyihii mowduucyadan ee falkisnaa. KU SAABSAN QORAAGA: DR. CALI SHEEKH AXMED ABUUBAKAR waa aqoonyahan iyo mufakir Soomaali ah. Wuxuu qaatay shahaadooyin BA, MA, iyo PhD, oo uu ka qaatay Jaamacadda Islaamiga ah ee Madiina. Wuxuu ka mid ahaa shanta aasaasayaashii Xarakada Al-Islaax ee Soomaaliya (1978). Sidoo kale wuxuu muddo toban sano ah bare ka ahaa Jaamacadda Boqor Sacuud ee Riyaad, Sacuudi Careebiya. Sidoo kale, wuxuu madax ka noqday Xarunta Geeska Afrika ee Daraasaadka iyo Horumarinta, wuxuuna door weyn ka qaatay arimaha waxbarashada, isbeddelka iyo dib-u-heshiisiinta. Wuxuu ka mid ahaa aasaasayaashii wadajirka ahaa ee Jaamacadda Muqdisho, isaga oo noqday guddoomiyihii ugu horreeyay ee jaamacaddaas. Wuxuu ka qaybgalay Shirka Nabadda Qaranka ee Arta, Jabuuti (2000), wuxuuna xubinnimada ku lahaa Guddiga Warshad Nabadeed ee Bulshada Rayidka ah (2004). Hadda wuxuu hayaa xilka Agaasimaha Guud ee Mu'asasada Bariga Afrika ee Cilmi-baarista iyo Horumarinta. Qoraalladiisa waxay ku qoran yihiin afaf kala duwan sida kuwan; "al-Dacwat al-Islaamiyah al-Mucaasirah fi'l Qarn al-Ifriiqii (Dacwada Islaamiga ah ee Geeska Afrika Casriyaysan)"; "Macaalim al-Hijratayn ilaa Ard al-Xabashah (Tilmaamaha Labadii Hijro ee loo galay Dhulkii Xabasha)"; al-Soomaal wajuduur al-Ma'saat al-Raahinah (Soomaaliya iyo Xididdada Masiibada Hadda Taagan)"; al-Tatawac Xajr al-Zaawiyah fii Taxqiiq al-Masaalix (Iskaa-wax-u-qabso: Tiirka Udub-dhexaadka u ah Xaqiijinta Danaha)"; al-Soomaal: Mawaatin al-Khalal fii al-Masiirah al-Tacliimiyyah (Soomaaliya: Meelaha Cilladdaha ka Jiraan ee Geeddi-socodka Waxbarashada)". Sidoo kale waxaa afsoomaali ku qoran: "Qaskii loo Durbaan Tumay"; iyo "U Sahami Adoon Rarin", oo ah diiwaan gabayo Soomaaliyeed ah oo uu si wadajir ah uga qayb qaatay. Waxa kale oo uu qoray tiro badan oo ah buugaag iyo cilmi-baarisyo aan weli la daabicin. ENGLISH: U Sahami Adoon Rarin (Explore Without Haste) is a landmark Somali-language poetry collection by Dr. Cali Sheekh Axmed Abuubakar, a distinguished scholar who holds a PhD from the Islamic University of Madinah, was one of the five founding members of the Al-Islaax Movement in Somalia (1978), served as a professor at King Saud University in Riyadh for a decade, and co-founded the University of Mogadishu, serving as its first Chairman. Containing over 90 original poems, the collection is organised into four thematic chapters, Life Philosophy, Awakening, Education, and Leadership, addressing the most pressing concerns of contemporary Somali society. Written in an accessible modern style, the poems reach across generations and speak to Somali-speaking readers worldwide. The work stands as the first of its kind: a systematically structured Somali poetry collection uniting four major civic and moral themes under one volume.

Die Inhaltsangabe kann sich auf eine andere Ausgabe dieses Titels beziehen.